Warbaahinta ugu Ballaaran GALMUDUG

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca ay Soomaalilada u taqaano NOHO oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa,isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka tiro kale oo la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ku dhaawacmay Xoghayaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Cali Aadan Warsame,kaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.

Gaadiida gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku gadaamay aaga Xarunta oo dhan

Leave A Reply

Your email address will not be published.