Warbaahinta ugu Ballaaran GALMUDUG

Mucaaradka Sudan oo Aqbalay Wadahadal

0

Ergayga gaarka ah ee ay Dowladda Itoobiya u xil-saartay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya siyaasadda Sudan, ayaa sheegay in hogaamiyaasha kooxaha dibadbaxyada ka wada Khartoum ay ogolaadeen ambaqaadidda wadahadallada nabadda.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Khartoum, ay ergeyga gaarka ee Ethiopia, Maxmuud Dirir uu sheegay in Golaha Sare ee Milatariga uu isna ogolaaday dib u billaabidda wadahadallada, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee uu dhiiga badan ku daatay ee ka taagan Suudan.

Rabshadihii maalahaan ka dhacayay Magalada Khartuum ee Caasimadda dalka suudaan ayaa waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 100 ruux halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Leave A Reply

Your email address will not be published.