Warbaahinta ugu Ballaaran GALMUDUG

Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Somaaliya Oo Shir looga hadlayo Amanka G/Shabeelaha hoose kafurtay Muqdisho

0

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ayaa qeyb ka Aheyd shirka Xasilinta Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka Furmay Magalaada Muqdisho,

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaana aad loogu eegaya arimaha Degmada Awdheegle Sabiib iyo Caanoole,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sheikh Abdulaahi Adaf ayaa aad ugu hadlay Arimaha xasilinta gobolka shabeelaha hoose Degmooyinka iyo deegaanada dhawaan Lagala Wareegay Al-Shabaab.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,Xildhibanao ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socda Hay’adaha ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa la filayaa in looga hadlo sidii loo xasilin lahaa Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,sidoo kalena qorshooyin cad loo keeni lahaa deegaannadii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.