Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa munaasabad afur ah u sameeyay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, taas oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Ujeedada Duqa Muqdisho ayaa ahayd in kulan la yeesho dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isagoo si toos ah uga dhageystay xaaladooda nololeed iyo caqabadaha ay la tacaalayaan. Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay xoojinta daryeelka iyo garab istaagga dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maadaama ay yihiin xubno muhiim u ah bulshada ku dhaqan caasimadda.
Intii uu socday kulanka, Duqa Muqdisho ayaa xubnihii ka soo qaybgalay ku wareejiyay kaalmo lacageed (kaash), si ay ugu daboolaan baahiyahooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale mudnaan gaar ah siiyay taakulada bulshada nugul, iyadoo Maamulku wado qorshe lagu gaarsiinayo gargaar isugu jira xirmooyin afur iyo raashin qoysaska danyarta ah, agoonta, dadka naafada ah iyo barakacayaasha, kuwaas oo si toos ah loogu gaynayo guryahooda.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa adkeeyay in uu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo daryeelka bulshada tabaaleysan inta lagu jiro bisha Ramadaan iyo guud ahaanba, si kor loogu qaado isku duubnida iyo is-garab istaagga bulshada caasimadda.