GuddoomΔ±yaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada MuqdΔ±sho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Af-fur sharafeed ku maamuusay GuddoomΔ±yaha Degmada Baxdo ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo qaar ka mid ah Culumada Degmada Baxdo oo ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoona af-furka ay goobjoog ka ahaayeen GuddoomΔ±ye Kuxigeenka AmnΔ±ga Δ±yo SΔ±yaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed DΔ±Δ±rΔ±ye (Yabooh) iyo TalΔ±yaha Qeybta Guud ee Booliska G/BanaandΔ±r Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin.
Duqa Caasimadda Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo dhaweynta iyo maamuusida uu u sameeyay masβuuliyiinta iyo culumada Degmada Baxdo ee Dowlad Goboleedka Galmudug kadib waxa uu ugu warbixiyay horumarada kala gedisan ee ka socda Gobolka Banaadir, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda Muqdisho iyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga, asigoona xusay in ay diyaar u yihiin sidii ay ugarab istaagi lahaayeen Maamulka Degmada Baxdo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddoomiyaha Degmada Baxdo ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa ka mahadceliyay Af-fur sharafeedka uu ku maamuusay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxa uuna sheegay in Muqdisho ay ku arkeen horumar iyo soo-kabasho aad u ballaaran oo ku-dayasho mudan.