𝐑𝐀’Iπˆπ’π”π‹ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐄 π—π€πŒπ’π€ 𝐁𝐀𝐑𝐑𝐄 𝐎𝐎 ππ€π€ππˆπ‹π€π˜ π–π€π…πƒπˆ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ€ π’πŽπ‚πƒπ€ πƒπŽπ–π‹π€πƒπƒπ€ 𝐐𝐀𝐓𝐀𝐑

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Qatar, kaas oo dalka u yimid arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Wafdiga Qatar waxaa hoggaaminayay La-taliye Sare ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri, waxaana kulanka ku wehliyay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

Wafdiga ayaa Soomaaliya u joogay arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, iyadoo intii ay dalka joogeen ay heshiis dhinacyo badan ah la saxiixdeen Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Kulanka ay wafdiga la yeesheen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar. Wafdiga ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay farriimo ay ka sideen madaxda Dowladda Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo dhaweeyay wafdiga, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay horumarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay xoogga saarayso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon maalgashiga gudaha iyo dibadda, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka, caafimaadka, beeraha iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dal, iyadoo la dhiirrigelinayo mashaariic wax-ku-ool ah oo ka qeyb qaadan kara kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, abuurista fursado shaqo iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga oo xusay in labada dal ay leeyihiin xiriir dhow oo ku dhisan iskaashi iyo danaha labada shacab.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo la filayo in heshiisyada iyo wada-shaqeynta cusub ay horseedaan mashaariic horumarineed oo dhinacyada cuntada iyo caafimaadka ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo wadashaqeynta iyo wada-xaajoodyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo ka tarjumaya xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.