π“π€π‹πˆπ˜π€π‡π€ π‚πˆπˆπƒπ€ππŠπ€ π—πŽπŽπ†π†π€ πƒπ€π‹πŠπ€ 𝐎𝐎 ππŽπŽππƒπ€π˜ 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€ 𝐄𝐄 π€ππŠπ€π‘π€

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Ankara ee dalka TΓΌrkiye.

Taliyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya TΓΌrkiye, Danjire Fathudiin Cali Maxamed, iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Booqashada ayaa qeyb ka ah hawlaha iyo kulamada wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka wado dalka TΓΌrkiye, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Intii ay booqashadu socotay, Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo TΓΌrkiye, iyadoo si gaar ah loo eegay doorka ay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay fududeynta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada dowladda TΓΌrkiye.

Wafdiga ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay howlaha ay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa Safaaradda iyo hay’adaha amniga iyo difaaca Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya iyo TΓΌrkiye ay leeyihiin iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah, kaas oo ay qeyb ka yihiin tababarrada iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen TΓΌrkiye kulamo kala duwan la qaadanaya masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda iyo ciidamada dalkaasi, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saarayo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amni iyo difaac ee labada dal.

Booqashada Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ayaa sidoo kale muujineysa muhiimadda ay leedahay isku-xirka howlaha diblomaasiyadda iyo hay’adaha amniga, si loo horumariyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo TΓΌrkiye.