Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxa uuna kulan gaar ah kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Kulanka waxaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, taas oo kusii baahaysa gobollada kala duwan ee dalka, islamarkaana saameyn xooggan ku yeelatay nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Wasiirka siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka ay marayso abaarta, baaxadda saameynta ay ku leedahay shacabka, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo gurmad bani’aadannimo. Waxa uu tilmaamay in xaaladdu meelaha qaar gaartay heer halis ah, iyadoo qoysas badan ay wajahayaan cunto iyo biyo yari aad u daran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaam Cabdi Cali, ah oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo culimada, iney si mideysan uga qeyb qaataan gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka ay abaartu saameysay, kuwaas oo noloshoodu halis ku jirto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay ku wargelisay dhammaan Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah in Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ay tahay hay’adda qaran ee keliya ee loo igmaday isku-duwidda, kormeerka, iyo maareynta dhammaan howlaha gurmadka iyo gargaarka bani’aadannimo ee dalka. Sidaas darteed, dhammaan wada-shaqeynta iyo xiriirka la xiriira gargaarka waa in si toos ah loola yeeshaa SoDMA, si loo hubiyo hufnaan, wax-ku-oolnimo, ka hortagga wax is daba marinta , iyo in gargaarku si sax ah u gaaro dadka loogu talagalay.