Galmudug oo kulan ka yeelatay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka Ee Alshabaab

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudugu mudane Cali Daahir Ciid la qaatay wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Caddaaladda.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Galmudug, wasiirka amniga, hay’adda garsoorka heerarkeeda kala duwan, karaashiisa iyo taliyayaasha ciidanka iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Dowladda Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka argagaxisada, amniga iyo garsoorka, sidoo kale waxaa kulanka aad loogu lafaguray.

 

arrimaha doorashaooyinka ee kusoo fool leh deegaannada Dowladda GM