1. Guddoonka Baarlamaanka oo Kulan la Qaatay Guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Baarlamaanka ee labada Aqal u qaabilsan Dib-u-Eegista iyo La-Socodka Dastuurka, iyo sidoo kale Guddiga Madax-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha la xiriira dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiinta labada guddi ay Guddoonka labada Aqal si faahfaahsan uga warbixiyeen heerarka ay marayaan shaqooyinka dastuur-dib-u-eegista, caqabadaha jira iyo talooyinka lagu horumarin karo geeddi-socodka.

Mas’uuliyiinta Guddiyada ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Guddiyada ku howlan dib-u-eegista dastuurka, si loo helo Dastuur dhammeystiran oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhig u noqda dowladnimo xasilloon iyo nidaam sharciyeed oo waara.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dhankooda bogaadiyay dadaallada socda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si hufan, wada-tashi ku dhisan, isla markaana waqtiyeysan loo dhammeystiro dib-u-eegista Dastuurka, si dalka uu ugu tallaabsado marxalad sharciyeed oo dhameystiran.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ugu jiro dhammeystirka Dastuurka KMG ah, loona helo dastuur rasmi ah oo hagaya mustaqbalka siyaasadeed, sharci iyo dowladnimo ee dalka.