100 ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweysay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka faa’iideystay cafiska madaxweymaha.

Dowladda federaalka waxa ay xaqiijisay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay gacanteeda soo galeen 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiira-gelinaysaa dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.