Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu jira Carruur iyo Haween, kadib markii dadkaasi ay boorashka ka cabeen Xarumo laga qeybinayay oo ku yaalla Degmooyinka Kaxda iyo Waaberi ee Magalada Muqdisho.
Dadkaan ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Banaadir ee Magalada Muqdisho,waxaana ay isugu jiraan kuwo Koomo galay iyo kuwa xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaaneyso,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo Isbitaalka ku booqatay ayaa uga digtay dadka Muqdisho inay tagaan Xarumaha lagu karinayo boorashka ee dadku ay ku waxyeeloobeen.
Waxaa sidoo kale ay ugu baaqday Maamulayaasha MCH- yada ku yaallka Gobolkan Banaadir inaysan karin boorashkaas ilaa baaritaan dhab ah lagu sameeyo maadaama dad badan oo Carruur iyo Haween isugu jira ay ku waxyeeloobeen.
Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada qaar ka mid ah dadka ku somoobay boorashka ay cabeen ee la jiifiyey Isbitaalka Banaadir ay soo hagaageyso halka weli dadka qaarkood ay koono ku jiraan.