15-ka May Maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta ku beegan

Iyadoo ay maanta ku asteysan tahay 15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan aas aaskii Ururkii dhaliyarada gobanimo doonka ee SYL ayaa lagu wadaa in Munaasabado lagu weyneynaayo lagu qabto Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

15-ka May waa maalin aad ugu qiimo badan Bulshada Soomaaliyeed Sanad kasta markii la gaaro maanta oo kale waxaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa lagu qabtaa Munaasabado lagu Xusayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhalinyaradii SYL.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidoo kale aas aaska ururkii gobonima doonka ee SYL.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May ayaa yiri “15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“.