15 ruux oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Dalka Masar

Shil gaari oo ka dhacay gaar ahaan wadada weyn ee Qaahira ee dalka Masar ayaa lasoo warinayaa in ay ku dhinteen 15 qof saacado yar uun ka dib bandoow lagu soo rogay Masar si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Daraasiin dad ah ayaa lagu soo waramay inay ku dhaawacmeen shilkaas, kuwaas oo loo qaaay xarumaha caafimaadka ee Qaahira.

Si lama filaan ah, gaariga xamuulka ah oo ay ka buuxaan alaabo dhisme uu ku dhuftay burbur kale oo xawaare aad u sareeya ku socday, sida ay wakaaladda wararka qaranka dalkaas ee Axram ku warantay.

Saraakiisha booliska ayaa wali baaraya waxa dhacay. Qiyaastii 8,000 oo qof ayaa ugu dhinta shilalka baabuurta sanad walba Masar, halkaas oo wadooyinku si aad ah ay ugu baahan yihiin in la dayactiro sidoo kale waxaa jirta in shuruucda taraafikada marar dhif ah la dhaqangeliyo.

Wasaaradda caafimaadka ayaa ku warrantay in ka badan 50 cudur oo cusub laga helay dalka Arbacadii shalay, taas oo tirada guud ahaan ka dhigtay 456, oo ay ku jiraan 22 dhimasho ah.