DHEGEYSO:>G/degmada Balanbale Oo Wareysi gaar Ah siiyay Radiogalgaduud kana hadlay falal laxariira anaayin Qabiil oo degaan kaasi kadhacay

Deegaano udhow Degmada balanbale ee gobolkaani Galgaduud Ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kadhacayay falal laxariira Anooyin qabiil.

Gudoomiyaha Degmada Balanbale Jaamac Xeyle Maxamed oo wareysi siiyay Radiogalagduud Ayaa waxa uu sheegay in Shaqaaqooyin kaasi laxariira Anooyinka qabiil ay dad kudhinteen Kuwa kalana uu dhaawac kasoogaaray.

Gudoomiye Jaamac Xeyle waxa uu dhanka kale sheegay in tuulo Aan kafogeyn Degmada Balanbale lagu Rasaaseyay gaari Noha Ah dadna ay kudhawacmeen.

Ugu danbeyntii G/degmada Balanbale ayaa baaq udiray Maamulka Galmudug waxa uu na ugu Baaqay in ciidamo lageeyo DagmadaBalanbale si wax looga qabto dilalka laxariira Anooyinka Qabiilka oo halkaasi kadhacaya.

Hoos kadhgeyso cadka gudoomiyaha