Qarax lala eegtay Taliyaha Booliska Afgooye

Qarax Miino ayaa la la eegtay gaari uu saarnaa Taliyaha saldhigga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay aqiijiyeen Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose taliyaha ayaa kusii jeeday degmada Afgooye, waxaana uu ka baxay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana ka dhashay Khasaare dhaawac u badan.

Taliyaha ayaa Muqdisho keenay Maxaabiis laga soo xiray degmada Afgooye, waxaana uu Qaraxu qabsaday xilli uu marayay degaanka Xaawo Cabdi.

Askartii la socotay taliyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana la sheegay in uu badqabo taliyaha Ciidanka Booliska degmada Afgooye.