Xasan Cali Kheyre Oo kormeer kutegay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska si uu ugu kuur galo habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee horay wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagula dagaalayo fikirka xagjirnimada ku salaysan.