Diyaarad siday daawooyin oo laga hor istaagay in ay ka degto Maagalada Laas-caanood

Diyaarad siday daawooyin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay  Magaalada Laas-caanood ayaa loo diiday in ay ka degto garoonka diyaaradaha magaaladasi waxaana la sheegay in amarka diyaaradaani loogu diiday in ay ka degato garoonkaasi ay bixiyeen masuuliyiinta  maamulka Magaaladaasi ee Somaliland.

Waxaa la fahansanyahay in dawooyinkani loo waday dadka ku dhaawacmay dagaal beeleedyo dhawaanahaan ka socday deegaaanka Dhumay ee Gobalka Sool balse laga hor istaagay in ay halkaasi ku degato.

Wararka ay warbaahinta heshay ayaa tibaaxaya in sidoo kale diyaarada la doonayey in lagu soo qaado qaar kamid ah dadka dhaawacyada culus  kasoo gaaray dagaalada dhawaanahaan ka socday Deegaanka Dhumay ee Sool.

Ilaa iyo hada  ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo ku aadan is hor istaaga lagu sameeyey diyaaradaan daawooyinka waday.