Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaciyay Xilliga La Dhisayo Golaha Adeega Garsoorka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorsho lagu dhisayo Golaha adeega Garsoorka dalka oo aan xilligaan jirin.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo.