NISA Oo sheegtay in Ay dileen Sargaal katirsan Alshabab

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay duqeyn Mareykanka ka fuliyay maalintii Khamiistii oo ku beegneyd 25 October degaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay xubin Sare oo ka tirsan Shabaab.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkaasi, waxaana ay sheegtay in Gantaal lagu dilay Sarkaalkaasi oo qaabilsanaa dhanka Maaliyadda.

NISA ayaa sheegtay in Sarkaalka dilay lacagta uu soo aruursho lagu dhibaateyn jiray Bulshadda Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA Ma sheegin magaca shaqsigan lagu dilay duqeynta, hase yeeshee war saxaafadeed shalay ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen agagaarka degaanka Kuunyo Barow lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay gaari ay wateen.

“Xubin sare oo Al-Shabaab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed, Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabka”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA.

NISA@HSNQ_NISA

Xubin sare oo Alshabab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed. Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabka.