Wadooyinka Qaar Muqdisho Oo saaka xiran

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan Soomaaliya furitaanka kulanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga bartay in ay xirto Wadooyinka xilliyadda ay jiraan kulamada noocaan oo kale ah.