Dalka Brazil oo loo doortay Madaxweyne Cusub

Guddiga doorashooyinka dalka Brazil ayaa shaaciyay Natiijadda doorashada Madaxtinimada ee dalkaasi, waxaana ku guuleytay Jair Bolsonaro .

Jair Bolsonaro ayaa ah nin adag oo siyaasaddiisu garabka midig ee fog ay tahay.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay Bolsonaro uu ku guulaystay 55.2% codadkii la dhiibtay wuxuuna ka guulaystay Fernando Haddad oo helay 44.8% kaas oo u taagnaa xisbiga shaqaalaha.

Bolsonaro markii uu ololaha waday ballan qaaday in uu dabar goyn doono musuqmaasuqa, uuna hoos u dhigi doono falal dambiyeedyada Brazil ka dhaca.

Dalka Brazil dhibaatada ku ugu badan waa Musuq maasuqa iyo Kooxaha burcad ah oo dhibaato badan dalka ku haaya.