Madaxweynaha Somaaliya oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyayaasha Ciidamada

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somaliya Xafiiska Madaxweynaha, ayaa si gaar ah waxaa looga hadlaayay sida suuragal ay ku noqotay in Shabaab ay weerareen Hotel ku yaallo Bartamaha Magaalada, iyadoo ammaanka Muqdisho si wayn loo adkeeyay, Koontaroolo badana ay yaalaan oo gaadiidka lagu baaro.

Kulanka ayaa waxaa ka soo muuqday Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), Taliyaha Ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Ameeriko iyo Ku xigeenkiisa Kadiye.

Madaxweynaha ayaa su’aalo ka waydiiyay Saraakiishaan sida ay ku suuragashay in Shabaab ay weerarkaasi fuliyaan iyo ragga hubaysan iyo gaadiidkii qaraxyada meesha lagu diyaariyay warbixintooda.

Sida muuqata Madaxweynaha Somaliya ayaa xilligan isla xisaabtan adag ku haya Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Federalka Somaliya, iyadoo wali dowladda si faah faahsan aysan uga hadlin weerarkaasi iyo Shabaab halka ay ka soo abaabuleen, marka laga reebo cambaareyn ay jeedisay dowladda Somaliya.