Xukuumada Xasan Cali Kheyre Oo lagu Eedeyay in Ay Caburin kuheyso Warbaahinta

Xoghayaha Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay dhibaato badan ku heyso suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ku shaqeeya xaalad adag.

Macalimow ayaa caddeeyay in wariyayaasha Soomaaliyeed ay halis weyn kujiraan, waxaana uu xusay in Dowladda iyo Al-shabaab ay hanjabaado joogto ah ku hayaan suxufiyiin badan oo dalka ka howlgasha.

Mocalimuu wuxuu ka digay in khatar weyn ay soo wajahday xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyadoo maamulada dalka ay xabsiga u taxaabaan inta badan wariyeyaasha ka hadla arrimo liddi ku ah siyaasadda maamuladooda, oo qaar badana loo dilay, halka kuwa kale dhaawacyo halis ah loogu geestay.

Shirka jaraa’id ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimuu ku qabtay Muqdisho, waxaa ka soo muuqday Hooyo Madiina Xaaji Cali oo wiilkeeda Nuur Ismaaciil Sheekh oo wariye ah uu u xiran yahay Maamulka Gobolka Banaadir.

Hooyo Madiina waxay sheegtay in wiilkeeda oo hadda xiran 8 maalmood aan la garaneyn sabab loo heysto. mana jirto eedeyn qoran oo loo jeediyay iyo maxkamad oggollaatay xarigga intaa la’ eg.

Macalimoow“Xukuumadda RW Kheyrre Saxaafadda Waxay u qaybisay Qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay Laaluushtay,waana xukuumaddii ugu qallafsaneyd ee Saxaafadda Soo marta”  ayuu yiri Macalimow.

Macalimow ayaa sheegay in dalka uu kujiro xaalad qalafsan isagoo intaa raaciyay in Dastuurka dalka uu xarrimayo in muwaadinku xirnaado wax ka badan 48 saac maxkamad la’aan!