Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo kawada Gobolada Shabeelooyinka

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa waxa uu sheegay in ciidamada xooga dalka ay ka wadaan gobolada Shabeelooyinka howgallo kala duwan oo gobaladaasi looga saarayo Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiir Amar dambe in howlgalkaan oo ay ugu magac dareen badbaado koow  iyo labbo ay doonayaan in ciidamada xooga dalka oo aysan jirin cid ay garab ka helayaan ay ka fuliyaan halkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in ujeedka howgalkaani uu yahay in Al-Shabaab laga sifeeyo deeganada ay kaga suganyihiin gobolada Shabeelaha dhaxe iyo Shabeelaha hoose halkaa oo uu sheegay in dadka ku nool ay dhibaatooyin kala duwan ay ku haayaan Al-shabaab.

Ciidamada xooga dalka ayaa mudooyinkii dambe howlgalo kala duwan ka waday gobalada Shabeelooyinka kuwaa oo lagu xaqiijinaayo amniga degaanada ay ku suganyihiin iyo kuwa ku dhow dhow.