Odinga Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Soomaaliland

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo haatan ah Madaxa AU-da ugu qaabilsan Horumarinta Adeegyadda Asaasiga ayaa la sheegay inuu Kulan qarsoodi ah la yeeshay Wafdi ka socday Maamulka Somaliland oo ka qeyb galayey Shirweyne looga hadlayey Maalgashiga Somaliland oo ka dhacay magaalladda Nairobi.

Warar Hoose ayaa sheegaya inkastoo uu Raila Odinga ka qeyb gelin Shirkaasi, haddana waxa uu Kulan Qarsoodi ah la yeeshay Madaxa Wafdiga Somaliland ee ka qeyb galayey Shirkaasi, wuxuuna cod xooggan ku sheegay inay Beesha Caalamka aqoonsadaan Somaliland.

Raila Odinga waxa uu dadaal ugu jiraa sidii ay Dowladda Kenya ugu aqoonsan lahayd Maamulka Somaliland dal madax bannaan.

Magacaabista Raila Odinga ee Xilka AU-da waxaa aad u soo dhaweeyey  Saraakiisha Maamulka Somaliland oo iyagu u arka Fursad magacaabistiisa, balse Ergayga AU-da ma aha Siyaasiga keliya ee ay Maamulayaasha Somaliland ku xisaabtamayaan.

Waxa kale oo uu ka mid ah Siyaasiyiinta sare ee Qaaradda Afrika ee horey ugu baaqay Dowladahooda inay aqoonsadaan Maamulka Somaliland, oo ay tilmaameen inuu Maamulkaasi qeyb ka qaadan doono Deganaanshaha Gobalka.

Bishii August ee sannadkii 2016-kii, Raila Odinga waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay Somaliland u aqoonsan doonaan Waddan madax-bannaan.

Wasiirka Ganacsiga ee Kenya, Peter Munya ayaa isaga horey u riixay sidii ay Dowladda Kenya u ictiraafi lahayd Maamulka Somaliland.