Deegaanada Maamulka Puntland Oo looga diyaar Garoobayo doorashada Maamulkaasi

Maamulka Puntland ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxweynaha Maamulkaasi hogaamin doona, waxaana guud ahaan deeganada Puntland laga dareemayaa diyaar garoow xoogan oo ay musharixiinta madaxweynenimo ee maamulkaasi ay ugu jiraan hanashada xafiiska looga arrimiyo maamulkaasi.

  1. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha  Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu magacaabay taliyaha ammniga xiliga doorashada ee maamulkaasi  waxaana loo magacaabay  S/Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye.

Puntland ayaa dhawaanahaan waxa ay xooga saaraysay adkeynta amniga, si looga baaqsado qalqal amni inta lagu gudo jiro doorashada madaxweynaha oo dhawaan la qaban doono.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada lagu magacaabay taliyaha amniga xiliga doorashada ee Puntland.