Wasiirka Maaliya Oo rejo wanagsan Kamuu jiyay Deyn Cafinta Somaaliya

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada deyn Cafinta ee ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu heshiis la gaaray Hogaanka Wold Bank,taasoo ku aadan in sare loo qaado dhaqaallaha Soomaaliya si uu dalku u gaaro isku filnaansho.

Wasiirka ayaa xusay in  Hay’adda IMF ay waddo dadaalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay si dalka uu helo dhaqaallo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaallaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa yiri ”Maanta waxaan ka hadlay guusha aan ka soo gaarnay shirkii aan IMF kula soo galnay magaalada Nairobi, Madaxda IMF ee aan la shirnay waxay inoo cadeeyeen inaan ka soo baxnay shuruudihii na horyaalay, isla markaana aan cagta saarnay wadada rasmiga ah ee lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya.”

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhawaan la dhisi doono Xafiisyadda Canshuuraha degmooyinka ,Hodan, Howlwadaag, Yaaqshiid, Wadajir iyo Howl wadaag.