Muqtaar Roobow Oo La Sheegay In Lagu Xiray Beydhabo

Wararka ka imaanaya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii dhawaan Dowladda geysay Magalada Baydhabo  ay Xabsiga dhigeen Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Ciidamada ayaa tegay Hoyga uu Baydhabo ka degan yahay Muqtaar Roobow,waxaana la sheegay inay halkaasi ka wateen.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in Gudaha Magalada ay ka dhaceyso rasaas.

Isgaarsiinta Magalada Baydhabo ayaa la jaray,taas oo yareysay in xogo badan laga helo Magalada Baydhabo,hayeeshee wararka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalka lagu qabtay Muqtaar Roobow ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya.

Muqtaar roobow ayaa xilligaan ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana horay Wasaaradda amniga ay u shaacisay in uusan u tartami karin xilka Madaxweynaha Maamulkaas.