Wefdi Uu hugaaminayay Madaxweynaha Ereteria Oo lagu Soo dhoweeyay Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Wafdigiisa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi , Wasiiro iyo Ganacsato.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho tan iyo Markii uu noqday Madaxweynaha dalkaasi, xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid Shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha.