Xildhibaan ku geeriyooday rabshado kadhacay Beydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in rabshaddaha ka socda Baydhabo uu saakay ku dhintay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa  Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii uu socday Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dadka Banaanbaxyadda wadda ayaa dagaallamaya, waxaana heegan ku jira ciidanka Booliska ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka Koonfur Galbeed xildhibaanka ayaa la toogtay xilli uu maraayay Agagaarka Xarunta Bankiga ee Magaalada Baydhabo, waxaana toogtay Ciidan ,halkaasi ku sugnaa