Kooxda daacish Oo Sheegatay in Ay dileen Xubno katirsanaa Alshabaab

Wargeyska Long War ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay inay Kooxda Daacish-ta sheegteen inay Dgaaalamayaasha Alshabaab dagaal kula galeen Tuulladda Biir Mirali oo ka tirsan Degmadda Qandala oo 75 KM  dhanka Bari kaga toosan magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari.

Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ NEWS AGENCY waxay sheegatay inay Maleeshiyadooda dagaalkaasi ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay, balse ma jiraan Warar ka madax bannaan Daacish oo xaqiijinaya arrintaasi.

Qoraalka Wakaalladda Wararka Daacish ee AMAQ waxay  ku sheegeen inay Maleeshiyadooda ka hortageen weerar ay Alshabaab doonayeen inay ku soo qaadaan fariisimadda ay Daacish ku leeyihiin duleedka magaalladda Qandala, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Iska horimaadkaasi ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii  uu Wargeyska Al Naba ee taabacsan Kooxda Daacish ka digay weeraro ay Alshabaab ku soo qaadaan Maleshiyadda Daacish ee ka hawl-gala qeybo ka mid ah Somalia.

Digniintaasi ayaa lagu sheegay inay jiraan cabsi Toos ah oo kaga imaanaya Dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo ay labada dhinac marar badan uu dagaal dhex maray tan iyo sannadkii 2014-kii.

Dhinaca kale, Wargeyska Long War waxa uu qoray inay laga yaabo inay  Kooxda Daacishta Somalia dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ka taageeri karto dadaalka ay ugu jirto Daacish inay  Maleeshiyo kaga qortaan Bariga Afrika