Dowlada itoobiya Oo Qunsul Umagacawday Somaliland

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa xilka ka qaaday Qunsulkii dowladda Itoobiya u joogay Somaliland, waxaana ay soo Magacowday Qunsul cusub oo loogu tala galay in uu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u joogi doona Hargeysa waxaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble,waa Soomaali Itoobiyaan, Shamsudiin horay waxaa uu noqday Wasiir ku xigeen, Xildhibaan iyo Safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Dhawaan ayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Itoobiya ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya.