ISrasaaseyn Ciidamo kawada tirsan dowlada Kudhexmartay Muqdisho

Waxaa faah faahino dheerad ah ay kasoo baxayaan dagaal khasaaro geystay oo duhurnimadii Maanta oo Talaado ah ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Dagaalka ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay Dalsan u sheegeen in uu u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda gaar ahaan millateri kuwaas oo hab beeleed u abaabulan,isla markaana isku-heysta dhul ku yaalla agagaarka Isgoyska Tarabuunka.

Khasaaro ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee aan weli la ogeyn,waxaana hakad galay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Tarabuunka oo ah mid mashquul badan.

Maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin dagaalkaas,waxaana haatan lagu soo waramayaa in xaalad deganaansho ah laga dareemayo halkii uu dagaalka ka dhacay.

Mararka qaar ayaa dagaal u dhaxeeya Ciidamada kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya uu ka dhacaa Magalada Muqdisho wallow markii dambe la xaliyo.