RW Hore Cali Maxamed Geedi Oo dhaliil Mucaaradka Dowlada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa si kulul u dhaliilay dadka mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhib farabadan iyo tuugmo loosoo maray  hayeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono”

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo,jidadka hala xiro,Xaafadaha qaar hala qabsado,dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo Shacab laguma aadee Guriga ayaa loogu tegayaa ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Waxa uu soo hadal qaaday xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya,waxana uu sheegay in lagu yiri Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay Kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay.