Golaha ayaa falanqayn kadib waxa ay ansixyeen heshiiska ku biiritaanka suuqa ganacsiga Bariga iyo koonfurta Afrika oo ah suuq ay ku midaysanyihiin in ka badan 20 dawladood oo Afrikaan ah kaas oo ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre uu xubinnimada Soomaaliya ku saxiibay magaalada Lusaaka July 19, 2018.
Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiirri gelinaya kobaca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maalgashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardar-gelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha, maxamed Abuukar Islaawn(Ducaale), ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay amniga guud ee dalka iyo dadaallada loogu jiro xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogi yeero argagaxisadda ee Shabaab iyo Daacish.