Mareykanka Oo Sheegay in uu Ciida Madiisa Kalabaxayo Suuriya

Go’aanka Madaxweyne Trump uu ciidammada Mareykanka uga soo saarayo dalka Suuriya ayaa si weyn looga dhaleeceeyay gudaha iyo dibadda dalkaasi.

Gudoomiyaha guddiga Senate-ka u qaabilsan xiriirka dibadda, Bob Corker, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aad u xun

Waxa uu sheegay in Senaterrada Xisbiga Jamhuuriga ay la fajaceen kana xumaadeen in Mr Trump uu garabkooda ka baxayo Kurdiyiinta iyo Carabta xulufada la aheyd isagoo u beerjileecaya Turkiga iyo madaxweynaha Suuriya ee Bishaar Al-asad.