Madaxweyne Gaas Oo Gudoomiye Cusub u Soo Magacaabay G/Mudug

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu Magacaabay guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 221 ee 22 December 2018, Kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa shaqo

Markuu Qiimeeyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.