NISA Oo Sheegtay in Ay kacanta ku dhigeen Ninkii huggaaminayay Qaraxyadii Muqdisho

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Goordhow shaacisay inay gacanta ku dhigtay Ninkii hoggaaminayay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.

Ilaa laba qarax ayaa Maanta waxa ay ka dhaceen Gudaha Magalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon iyo Tiyaatarka Qaranka,kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

NISA ayaa qoraal ay soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin twitter-ka waxa ay ku sheegeen in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii qaraxyada Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho,iyo sidoo kale Darawalkii waday Gaariga ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.

NISA@HSNQ_NISA

Ciidanka oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta kusoo dhigay hogaamiyihii howlgalka qaraxyada Alshabab ee maanta shacabka lagu gumaaday iyo wadahii gaarigii danbe oo asagoo ciidanka gacanta kuhayo qarxay, kadib markii shacabka laga fogeeyay.