DHEGEYSO:>Gudoomiyaha Degmada Maxaas Oo Dowlada Ugu Baaq in laka dhexgalo Beelaha ku dagaalamaya Daagaano hoostaga Maxaas

Gudoomiyaha Degmada Maxaas Maxamad Cabdi Cawaale Oo Wareysi Gaar ah Siinayay Radiogalgaduud Ayaa baaq udiray Dowlada dhexe Ee Somaaliya Waxa Uu na ugu baaqay in Ay Ciidami kala dhexdhigto Maleeshiya Beeleedka Ku dagaalamaya Deegaano hoos yimaada Degmada Maxaas.

Gudoomiuaha Ayaa sidookale mamulada Galmudu iyo Hirshabeele ugu baaqay in ay kaalin kaqaataan Sidii loo joojin lahaa Colaadaasi.

Odayaasha dhaqanka labada dhinac Culamaa,udiinka Dhalinyarada Ayuu sidookale Ugu Baaqay in ay utafa xeytaan Sidii colaadaasi loo joojin lahaa.

Dadka reer guuraaga ah Oo dirirtu dhexmarto ayaa inta badan waxa Uu dagaalku  kabilawdaa Ceelal biyoodyo iyo dhuldaaq Simeed Dagaalkan dhexmaray labada Maleeshiyo beelaad ayaa Sababay dhimashada dad gaaraya 15 ruux sidookale dadka dhaawacmay Ayaaa iyana tiradooda lagu sheegay in ay korufhaafeyso 25 ruux Oo labada dhinac ah ilaa iyo hada majirto Wax waan waan ah Oo Colaadaasi laga gaaray.

Hoos kadhegeyso Codka Gudiimiyahada Degmada Maxaas  Maxamad Cabdi Cawaale