Gudoomiaya G/Hiiraan Oo Baaq U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Duleedka Degmada Maxaas

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa waxa uu ka hadlay dagaal laba Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay (Dabageed) in uu dhaqanka beelaha dagaalamay uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi,isla markaana xal laga gaaro dagaalkii dhexmaray laba beelood ee xoolo dhaqato ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) oo la hadlay warbaahinta waxa uu u sheegay in Wafdi uu hogaaminayo  oo qeyb ay yihiin Ciidamo ka dha-qaadeen Magaalada Baladweyne,iyagoo kusii jeeda tuulooyinka hoostaga Degmada Maxaas ee ku dagaalameen labada Maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqatada ah.

Sdioo kale Guddoomiye (Dabageed) ayaa waxa uu baaq u diray dadka ku dagaamalay tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas,isagoona uga baaqay in dagaalka la  joojiyo.