Dagaal Beeleedyo Markale Dib Uga Qarxay Deegaano Katirsan G/hiiraan

Dagaal Beeleedyo Ayaa markale Dib uga Qarxay Deegaano Katirsan G/hiiraan Dagaalka ayaa kadhacay Deegaan lagu Magacaabo Miiracad inta la ogyahay Dagaalka Ayaa waxaa ku geeriyooday 12 ruux Oo labada dhinac ah tiro kalana wey ku dhawacmeen.

Dagaalka Ayaa yimid iyadoo Degmada Maxaas Uu ku Suganyahay Gudoomiyihii Goborka Hiraan yuusuf Axmad Hagar (Dabageed) isaga Oo halkaasi u joogay Dhexdhexaadinta labada Beelood Gudoomiyaha Ayaa Sheegay in Ay waxgaradka labada Beelood kawada hadleen Sidii Dagaalka loo Joojin lahaaa.

Nabadeyntaasi Ay wadeen Odayaasha dhaqanka iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiraan Ayaa U Muuqata in Ay San waxba kacaana Casoobin.

Deegaanadii lagu Dagaalamay Ayaa Caawa Degan iyadoo weli laga dareemayo Saan saan colaadeed.