Howlgalo Caawa Ka Socda Bosaaso

Caawa fiidkii ayaa kooxo hubeysan waxa ay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dileen Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa goobta gaaray,kuwaas oo goobta ka qaaday meydka askariga sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Boosaaso.

Wararka haatan naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ayaa waxa ay ku waramayaa in ciidmada Booliska Puntland ay aaga dilka uu ka dhacay ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Askariga.