Gudoomiye Waaxeed lagu Dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsaan Degmadaasi iyo qof shacab ahaa

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda  Koodka,isla markaana Ragg hubeysan ay toogteen Guddoomiyihii Waaxda Horseed ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyo qof kale oo shacab ah,kaasi oo ku sugaan xiliga uu dilka ka dhacayay goobta.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa durbo goobta ay ka baxsadeen.