Mooto Bajaajle lagu dilay Muqdisho

Wararka inaga soo  gaaraya duledka Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajka ka Shaqeeya halkaasi uu ku dilay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka Bajaajlaha ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbtaalka Macaane ee deegaanka Garas-baaleey duleedka Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga uu ka codsaday Bajaajlaha in uu qaado,hayeeshee uu ka diiday,kaidbna uu rasaas ku furay.

Qof ku sugan agagaarka Isbitaalka Macaani oo uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday,isla markaana Meydka Darawalka Mooto Bajaajlaha uu weli goobta yaallo.