Wasiirkii hore Ee Arimaha Gudaha Oo lakulmay Madaxda Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa maanta waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Xildhibaana Odowaa ayaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo qrybaha kala duwan eek u dhaqan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Xarunta Madaxtooyadda maamulkaasi kulan kula qaatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen sidii xal-dhaw looga gaari karo kala aragti duwanaasha ka dhax jira dadka reer Galmudug.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafa u dhexeeya Madaxda maamulka Galmudug,isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan waxa uu ku sugnaa Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,isagoona booqasho ku tegay intii uu halkaasi uu joogay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.