Xildhibaan Katirsan Dowlada Oo Gaaray Garowe

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee xaruanta maamulka Puntland gaaray xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay kusoo aadaysaa tagitaankooda xili maamulkaasi uu ka mamnuucay deegaanadooda dhamaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee dowladda federaalka.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana si diiran usoo dhaweeyay oo garoonka kaga hortagay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanadaan maanta tagay Garoowe ayaa waxa ay deegaan doorashadooda aheyd maamulka Puntland oo ay kasoo jeedaan.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan waxa uu shaaciyay in masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqaalahoodaba aysan tagi karin dhamaan deeganada maamulkaasi, waxa ayna mamnuucidaasi ku micneeyeeen inay kaga hortagayaan faragelin lagu sameeyo doorashada.