Kenya Oo Sheegtay in Ay Dileen Saraakiil Katirsan Al-Shabaab

Ciidamada difaaca Dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen 7-ka mid ah Al-Sabaab, isla markaana ay dhaawaceen tiro kale, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya ee KDF oo lagu Magacaabo, PM Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in howl-galkaasi uu dhaawac fudud kasoo gaaray Laba Askari oo Ciidankooda ka mid ah.

Ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay inay weerarkaasi Al-Shabaab kaga qabsadeen saanad Milliteri oo ay ka mid yihiin 9 Qori AK 47 ah, Rasaas iyo Bambaanooyin.

Howlgalkan oo Shalay ka dhacay degaanka Taabto,ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa weerarrada lagu dagaallaamayo Al-Shabaab.

PM Njuguna, ayaa sheegay, in ay sii wadayaan howl-gallada lau baacsanaayo  Al-Shabaab inta laga xaqiijinayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.