Qaarkamid ah Ganacsatada Jowhar Oo Xabsiga ladhigay

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo xirxiraayo ganacsato lagu eedeeyay in ay taageeraan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Maamulka Hirshabeelle ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin in ganacsatadda ay dhaqaallo siiyaan Al-Shabaab, xilli Ciidanka dowladda Soomaaliya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ay ku jiraan.

Ciidamada ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Jowhar kusoo xiray ku dhawaad 10 nin oo ganacsato ah oo ay sheegeen in ay lacago ay siiyeen Al-Shabaab.

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa horay u soo saaray digniino ka dhan ah dadka dhaqaallaha  siiya Al-Shabaab.