Ciidamada Amaanka Oo dad ka Soo badbaadiyay Dhismayaal Ku Yaalla Wadada Maka Al-Mukarama

Waxaa weli kacsan Xaaladda dhismayaal ku dhow Hotelada Hilaac UK iyo Maka Al-Mukarama ee ku yaalla Magaalada Muqdisho,kadib markii halkaasi rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen.

Ciidamada amaniga dowlada Soomaaliya ayaa goobo halkasi ku yaalla ka soo badbaadiyay dad rayid ah oo ku Go’doonsanaa,isla markaana waxa ay wadaan sidii ay u soo afjari lahaayeen weerarkii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab xaly ay ku qaadeen Maqaayada Hilaac UK iyo goobo kale.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowlada Soomaaliya oo ku aadan weerarka ku bilowday qaraxyada ee ka socda dhismayaal  ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama.